Xildhibaan Jurile oo Beeniyay in uu u Sharaxan Yahay Xilka Gudoomiyaha Aqalka Sare

0

Xildhibaan C/risaaq Xasan Cismaan (Jurile) oo kamid ah Xubnaha Aqalka Sare ee  dalka  ee dhawaan lasoo doortay oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay cida u tartami karta Kursiga Guddoonka Aqalka Sare.

Xildhibaanka C/risaaq Xasan Cismaan (Jurile)  ayaa sheegay in awood qeybsiga dalka uu dhigayo in xilka guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka la siiyaa beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Maamulka Somali-land.

“Awood qeybsiga dalka waxa uu dhigayaa in kursiga Guddoonka Aqalka Sare la siiyo beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Maamulka Somali-land, waan maqlayay dad dhahaya Jurile ayaa u sharxan xilkaas kadib kulan uu la qaatay beelaha Puntland kasoo jeeda,warkaas waa been”, ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Xasan Cismaan (Jurile).

Waxaa haatan guddiga qaban-qaabada Doorashada Guddoonka aqalka Sare ee dalka ay qabanayaan araajida mushariinta u taagan xilka, Gudoomiyaha aqalka Sare  dalka iyo ku-xigeenadiisa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here