Wararka ka imanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya In Ciidamada Dowladda, iyo kuwa Midowga Afrika Amisom in ay isaga baxeyn deeganadii ay saakay kala wareegeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Deeganada kala ah Bariire, Sabiib, Awdheegle, Malable, oo dhamaan hoos yimaada Gobolka Shabeelaha hoose ayay Ciidamada Dowladda, iyo kuwa Midowga Afrika Amisom saakay kula wareegeen dagaal qorshaysan.
Ciidamada Al-shabaab ee ku sugnaa deeganadaas ayaa la sheegay in dagaal ay la galeen Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Amisom inkastoo markii dambe ay banaanka kaga baxeyn deegaanada weerarka lagu qaaday.
Dadka deeganadaas ku sugan ayaa xaqiijiyay in caawa aysan jirin Ciidamo ku sugan halkaas, iyadoo laga cabso qabo in Ciidamada Xarakada Al-shabaab ay dib u qabsadaan.
Ciidamada Dowladda, iyo kuwa Midowga Afrika Amisom ayaa dhowr jeer oo hore dagaal kula wareegay deegaano ay ku sugan yihiin Ciidamada Xarakada Al-shabaab, balse saacado kuma nagaadaan deeganadaas.

