Xarakada Al-shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay askari u dhashay dalka Uganda oo lagu magacaabi jirey Masassa M.Y, oo maxbuus ahaan ay u haysteen muddo lix iyo toban bilood ah.
Radio Al andulus, ayaa lagu baahiyay muuqaal sagaal daqiiqo ah, oo uu ka soo muuqday askariga dilka lagu filiyay, Qaybta dambe ee muuqaalkan, ayaa waxaa ka soo muuqday nin ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo madaxa ka tooganaya Masassa M.Y oo ahaa askari u dhashay Uganda oo gacanta ay ku hayeen.
Masassa M.Y, ayaa gacanta Xarakada Al Shabaab u galay 1-dii bishii September ee sanadkii 2015-kii, kadib markii ay Shabaabku dagaal culus ku qabsadeen xerada Ciidamada Amisom ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Falkaan Al-shabaab ay ku dileen askariga u dhashay Uganda ayaa waxa uu kusoo aadayaa maalin ka dib, markii gaari ay wateen Ciidanka Uganda uu duleedka Magaalada Muqdisho ku dulmaray gaari caasi ahaa, oo rakaab ka soo qaaday Degmadda Afgooye, kuna wajahnaa Magaalada Muqdisho, 10-qof ayaa dhacdadaan lagu dilay.
Dowladda Uganda wali kama aysan Hadlin falkaan Lagu Dilay Masassa M.Y.

