AMISOM oo Sheegtay In ay Ka Xuntahay Dhacdadii Ka Dhacay Deegaanka Calamada

0

Howlgalka nabad ilaalinta ee  loo yaqaano AMISOM ayaa sheegay in ay aad kaga xun yihiin falkii ka dhacay wadada isku xerta Mugdisho iyo afgooye kaa oo mid kamid ah gawaarida qafilan ee ciidanka Amisom uu ku jiiray gaari dad shacab ah ay saarnaayeen taa oo sababtay qasaaro nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War saxaafadeed ay soo saareen ayaa waxa  ay ku sheegeen in wadaha gaarigooda qafilan ee ciidanka booliiska amisom uu ahaa mid xowli ku socday si lamid ahna waxa ay sheegeen gaariga BL-ka ah in sidoo kale uu ahaa mid xawaare sareeya ku socdaalayay.

Waxa  intaa  ay ku dareen in wadaha gaarigooda uu isku dayay inuu ka fogaado gaariga dadka shacabka ah saarnaayeen balse mar qura uu dar-daray kadib marki ay ku adkaatay in ay xakameeyaan sida ay sheegeen.

Durbadiiba waxaa  gaariga uu gaaray xarun boliis oo halkaa ka dhaweed iyaga oo ku wargeliyay dhacdadii dhacday oo ay sheegeen in 4 qofood ay ku dhinteen halka 14 qof oo kale dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.

Amisom si weyn ayeey ugu qoomameyneysaa  dhacdadan waana mid ay ka xuntahay waxaana kulamo ay la’qaadanayaan saraakiisha booliiska maamulka gudaha iyo odayaal dhaqameedyada deegaanadasi si dhac-dadan loo soo afjaro.

Amisom waxa ay fulin doontaa baaritaano dheeraad ah oo la xiriira arintaan iyada oo la’kaashaneysa hay’adaha  xukuummada federalka soomaaliya sidaasi waxaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Howlgalka AMISOM ee soomaaliya iyada oo aysan jirin la’xisaabtan dhab ah oo ku aadan falalka arxan darrada ah ee shacabka soomaaliyeed marwalba ay ciidamada amsiom geystaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here