Wasaaradda Cadaaladda ee Maamulka Puntland ayaa sheegtay in sharciga la marsiin doono Lix dhalinyaro ah uu kufsi wadareed ugu geystay Gabar yar deegaanka Deegaanka Goldogob ee Gobolka Mudug ee Puntland.
Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda Iyo Diinta Maamulka Puntland Maxamed Cali Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si deg deg ah sharciga loo horgeyn doono Lixda dhalinyrada ah ee kufsiga u geystay Ridaaya oo ah Gabar jirta 16-sano.
Sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda Iyo Diinta Maamulka Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in wasaaradda laga dalbaday in arinta kiiska Kufsiga ay galaan odoyaal dhaqameed balse ay kasoo horjeesteen ayaga.
Lix Dhalinyaro ah oo mid kamid ah la dhashay Ex Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa kufsaday Ridaaya oo ah Gabar 16-sano jir, taasi oo haatan lagu hayo isbitaal ku yaala Magaalada Gaalkacyo.

