Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ayaa soo bandhigay Lix qof oo ka shaqeynayay inay soo saaraan lacag Dollar ah oo Been abuur ah, iyo Warshadii Yareed ay ku sameynayeen.
War kooban oo kasoo baxay Taliska hay’adda NISA oo lasoo Dhigay barta Facebook ayaa lagu sheegay in Ciidamada Nabad Sugida ay ay sidoo kale soo qabteen lacago been abuur oo la sameeyay.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hal Askari uu ku geeriyooday Askari kalana uu ku dhaawacmay intii uu socday howlgalkaan lagu soo qabanayay kooxahaan burcada ah ee ka shaqeeya sameynta lacagaha been abuurka ah.









