Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in Gudaha magaaladaas uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa Booliska.
Iska Hor imaadka ayaa ka dhashay sida naloo xaqiijiyay kadib markii Ciidamada Nabad Sugida ay weerar ku qaadeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug ee dhawaan kalsoonida kala noqday Madaxweyne C/kariin Xuseen Guulleed balse waxaa iska caabin ay kala kulmeen Ciidamo Boolis ah oo ilaalinaayay Xildhibaanada.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay isku hor imaadka u dhaxeeya Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa Booliska Maamulka Galmudug, dadka Magaalada Cadaado ayaa waxaa soo wajahay cabsi aad u xoogan.
Xaalada Magaalada Cadaado ayaa qasneed tan iyo markii Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas ay kalsoonida kala laabteen Madaxweyne C/kariin Xuseen guulleed, inkastoo uu ka hor yimid xil ka qaadistaas.

