Magdhow La Siinayo Dadkii Ciidamada AMISOM ay Ku Laayeen Deegaanka Calamada+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Soomaliya ayaa sheegay in kulamo laga yeeshay Xasuuqii Ciidamada Midowga Afrika  Amisom ay u geysteen dadka shacabka ahaa oo ka dhacday deegaanka Calamada.

Gudoomiye ku xigeenka Af-gooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose  C/laahi Xasan oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay In Ciidamada Amisom saraakiishooda ay la kulmeen islamarkaana ay kala hadleen xasuuqii dadka shacab ahaa ay u geysteen todobaadkaan  Gudhihiisa, kadib markii gaari ay la socdeen uu jiiray gaari ahaa caasi ahaa oo marayay deegaanka Calamada.

“kulanka waqti badan qaatay ayaa wada qaadanay anaga iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM waxaa kawada hadlanay sidii magdhow loo siin lahaa Eheladii dadkii lagu laayay deegaanka Calamada, ka maamul ahaan aad ayaan kaga xun nahay waxa dhacay xaqa ay leeyihiin ayaan u dagaalamaynaa sidii loogu dhici lahaa”, ayuu C/laahi Xasan.

Maalintii axad aheyd Ciidamada AMISOM Gaari ay wateen uu dul maray gaari caasi ahaa oo marayay deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa shilkaas ku dhintay 10-ruux oo shacab ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here