Xasan:-“Ciqaab Adag ayaa La Marsiin Doonaa Dhalinyaradii Kufsatay Ridaaya”,+Dhageyso

0

Maamulka Deegaanka Goldogob ee Gobolka Mudug ee Puntland oo la hadlay warbaahinta deeganada Maamulkaas ayaa sheegay  in ciqaab adag ay marsiin doonaan rag dhalinyaro  ah oo degmadaasi kufsi ka geystay.

Gudoomiyaha Deegaanka Goldogob ee Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Faarax (anyax) ayaa sheegay in haatan gacanta lagu hayo ilaa 5 dhalinyaro ah oo ku lug lahaa falka kufsiga loo geystay Ridaaya oo ah gabar 16-sano jir ah.

Xasan Maxamed Faarax (anyax) ayaa tilmaamay in labada qoys ay wada kulmeen islamarkaana si qoto dheer loogu hadlay arinta Kufsiga, qoyska dhibaatada la gaarsiiyay ayuu  sheegay in ay ku qanacsan yihiin Maxkamad la saaro dhalinyarada.

Ridaaya ayaa ah Gabar qurux badan oo 16 jir ah, xaafadeeda ay dagan tahay  aad ayaa looga jeclaa, Edeb iyo asluub ayey laheed lakin Ragaan ayaa marar badan isku dayay in ay qasbaan, ayadana waaka diiday sida la xaqiijiya.

Lixda wiil ee inanta faraxumeeyay waxa ay ka qaadeen muuqaal lasoo galiyay website-yada lakin in laa faafiyo iyaga ma rabin ee Waxa ay uga qaadeen in markale ay ku xujeeyaan gabadha in ay u timaado oo hadana xaajad kale la galaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here