Akhriso:-Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo La Magacaabay

0

Xubnaha aqalka Sare ee dalka ayaa maanta Magacaabay Guddi ka shaqeeya doorashada Gudoomiyaha  xubnaha aqalka Sare iyo Ku-xigeenadiisa.

Ilaa lix xubnood ayaa loo xil saaray doorashada Gudoomiyaha  aqalka Sare  iyo Ku-xigeenadiisa, kuwaasi oo ka kala socda Maamulada Goboleedyada dalka sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed Soomaliya, Jubba-land iyo Hir-shabeelle, waa  sida xubnaha ay ku heshiiyeen.

  1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Maamulka Hir Shabeelle waxaa loo magacaabay gudoomiyaha Guddiga.
  2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi ka socota Maamulka Galmudug.
  3. Senator Farxaan Cali Xuseen ka socda Maamulka Puntland.
  4. 4.C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ka socda Maamulka Jubbaland.
  5. Senator C/risaaq Axmed Cali ka socda  Maamulka Somaliland.
  6. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ka socda Maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale 21-bishaan Junuary oo ku beegan maalinta sabtida ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhici doono doorashada Gudoomiyaha  xubnaha aqalka Sare ee dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here