Shacabka Muqdisho oo Dalbaday in Ciidamada AMISOM Dalka Laga Saaro+Dhageyso

0

Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho  ee Caasimada Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa si kulul ugu hadlay dilalka Bareerka ah ay Ciidamada Midowga Afrika Amisom ay u geysteen shacabka Soomaliyeed.

Dadweynaha ayaa intooda badan sheegay in Ciidamada AMISOM ay lacago badan ka faaidaan joogitaanka gudaha Soomaliya, iyagoo dowladda Cusub ee la dhisayo ugu baaqay in  si deg deg ah dalka kaga saarto.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay Ciidamada AMISOM Gaari ay wateen uu dul maray gaari caasi ahaa oo marayay deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa shilkaas ku dhintay 10-ruux oo shacab ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here