Taliska Howlgalka midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa ka hadlay dhacdadii shalay lagu laayay shacab Soomaliyeed deegaanka Calamada ee Gobolka Shabellaha hoose.
War kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in AMISOM ay aad kaga xun tahay dhacdada ay ku dhinteen shacabka Soomaliyed, kadib markii mid kamid ah gawaarida AMISOM uu jiiray gaari Caasi ahaa.
AMISOM waxa ay sheegtay in Guddi baara aritaan loo sameyn doono, islamarkaana ay dib kasoo gudbin donaan natiijada kasoo baxda baaritaanka.
Shilkii shalay ka dhacay deegaanka calamada ee Gobolka Shabellaha hoose waxaa ku dhintay 10 ruux oo shacab ahaa, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhaawacooda la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

