Afar Caruur ahaa oo wada dhalatay ayaa dhimatay, hooyadiisa dhashay iyo wiil kale dhaawac fudud ayaa soo gaaray kadib markii guri ay ku noolaayeen dab la qabadsiiyay deegaanka deegaanka Bandiiradley ee Gobolka Mudug.
Hooyadda reerka oo dhawac fudud uu soo gaaray ayaa sheegtay in falkaan uu ka dambeeyay Wiil walaalo ay yihiin oo muran xoogan uu soo kala dhexgalay, waa sida ay hadal u dhigtay.
Guddoomiyaha Deegaanka Bandiiradley C/risaaq Axmed Jaamac, ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cida falkaasi ka dambeysay, waxa uu tacsi u irey qoyska ay dhacdaan ku dhacday.

