Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug ayaa lagu amray dhammaan Warbaahinta iyo wariyayaasha ka howlgala Magaalada Cadaado ee caasimada KMG ah ee Galmudug inaysan baahin karin Banaanbaxyada iyo shirarka aan fasaxa looga heysan Madaxtooyada Galmudug.
Warqada waxaa ku saxiixnaa wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye).
Sidoo kale Amarkaan ayaa ku socda Hotelada Magaalada Cadaado ku yaala , iyadoo la faray in aan lagu qaban karin shirar aan fasax looga heysan Madaxtooyada Galmudug.


