Akhriso:-Wariyayaasha Ka Howlgala Magaalada Cadaado oo Amar Culus La Dhul Dhigay

0

Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug ayaa lagu amray  dhammaan Warbaahinta iyo wariyayaasha ka howlgala Magaalada Cadaado  ee caasimada KMG ah ee Galmudug inaysan baahin karin  Banaanbaxyada iyo shirarka aan fasaxa looga heysan Madaxtooyada Galmudug.

Warqada waxaa ku saxiixnaa  wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye).

Sidoo kale Amarkaan ayaa ku socda  Hotelada Magaalada Cadaado ku yaala , iyadoo la faray in aan lagu qaban karin shirar aan fasax looga heysan Madaxtooyada Galmudug.

Capture

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here