Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo qoraal kooban bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayaa sheegay in ay dhamaadeen howlihii ay qaban jireen Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran.
Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Madasha ay ku guuleysteen in ay howlo badan qabtaan inta aan lasoo dooran xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaliya, balse waxa uu sheegay in haatan howlaha dhiman ay qaban doonaan Xildhibaanada.
Dhanka kale Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa beeniyay in uu qadka Taleefanka ugu qeyb galay kulan hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga ay qaateen todobaadkii lasoo dhaafay kaasi oo loogu hadlay xaaladda siyaasadeed ee dowladd Goboleedka Galmudug.

