Xilidhibaan ka tirsan baarlamaanka jubaland ayaa ku eedeyay Madaxda madasha wadatashiga I ay caqabad ku yihiin shaqooyinki ay qaban lahayeen Baarlamaanada dowlada Goboleedyada.
Xildhibaan Cumar Buraale Axmed oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeyay madaxda madasha in ay garayaan go’aano aysan mas’uuliyadooda laheyn.
Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay go’aanada madasha kuwa dhaawici karo shaqooyinka ay hayaan xildhibaanada baarlamaanka dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Xaley ayaa war ay soo sareen madasha wadatashiga waxa ay kaga soo horjeesteen go’aanki ay kalsoonida kala laabteen xildhibaanada baarlamaanka Galmudug Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

