Waxa maanta dibad bax loga soo horjeeday maamulka gobolka hiiraan gaar ahan maamulka baladweyne waxa uu ka dhacay magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa Ganacsato ayaa ku eedeyay maamulka baladweyne in lacagaha canshuurta ee laga qaado shaqsiyaad gaar ah ay gacanta ugu dhacdo islamarkaana ay ku iibsadaan qaad ay ku qayilaan.
Dadka maanta banaanbaxa dhigayay ayaa socod ku maray qeybo kamid ah wadooyinka magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiran.
Dhinaca kale dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ka cabanayay in lacago xad dhaaf ah lagu kordhiyay lacagaha hore logu qaadi jiray.
Dhageyso war arintaa ku aadan

