Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Wareysi siinayay Laanta afka Soomaliga ee Voa-da ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashada Soomaliya iyo haliska ururada islaamiyiinta ay ku hayaan wadamada Bariga afrika iyo Galbeedka qaarada afrika.
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Jabuuti, ayaa guul ku tilmaamay doorashooyinka Soomaliya ka qabsoomay iyo in Somaliya ay yeelato markii ugu horeysay ee taariikhda Aqalka Sare, wuxuu ku amaanay dowlada waqtigeeda uu dhamaaday sida ay Soomaliya u gaarsiisay meel Wanaagsan.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle hogaamiyaha dalka Jabuuti ayaa sheegay in islaamiyiinta ka jira Bariga Qaarada afrika sida Daacish iyo Xarakada Al-shabaab in ay ku dhismeen, Caro iyo xanaanaq ay muujiyeen, islamarkaana ay doonayaaan in ay xoog ku maquuniyaan talada balse aysan taasi u suurta galaynin.
“Qolyaha islaamiyiinta ka jira bariga qaarada afrika waxa ay ku dhismeen caro iyo xanaaq ay muujiyaan, waxa ay doonayaan in talada ay awood ku hogaamiyaan balse uma suurta galayso taasi, waaxaase ogaataan in wadamada reer Galbeedka in ay tani nala qabaan”, ayuu yiri Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaamiil Cumar Geelle.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Ciidamada ka socda dalkaas ee Soomaliya ku sugan ay ka qeyb qaateen dib u soo celinta nabada dalka Soomaliya islamarkaana ay sii joogi doonaan Soomaliya, wuxuuna ku aamanay sidoo kale guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan.

