Feysal:- Dowladda Cusub ee Soomaliya, ayaan Kala Hadli Doonaa Gooni Isutaaga Somali-land”,

0

Siyaasiga Feysal Cali Waraabe oo kamid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan ee Maamulka Somali-land oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay dowlada Cusub ee Soomaliya ka dhalanaysa iyo mowqifka Somali-land ee arrimaha gooni Isutaga.

Mudane Feysal Cali waraabe ayaa sheegay in Somali-land ay dan weyn ugu jirto in Soomaliya ay dowladd Cusub ay ka dhalato si ay kala hadlaan arrimaha  gooni isutaaga oo dowladihiisa Soomaliya soo maray sanadihii dambe ay isku fahmi waayeen.

“Dowladda Cusub ee Soomaliya ka dhalanaysa waa mid dan weyn ugu jiro shacabka Soomaliyeed ee kan Somali-land waxaan kala hadli doonaa sidii aan kaga go’i laheyn sida Eriteia iyo Ethopia ay u kala go’een, way naga go’an tahay In aan ka go’no Soomaliya inteeda kale”, ayuu yiri Siyaasiga Feysal cali Waraabe.

https://youtu.be/UzSSS0mp3TA

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here