Maxkamadda Magaalada Mandera oo Sii Deysay Dhalinyaro Soomaaliyeed

0

Maxkamada magaalada mandera oo dhacda Waqooyi Galbeed ee dalka Kenya ayaa xabsiga ka sii deysay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku sheegtay in si sharci darro ah ay ku joogeen gudaha dalka Kenya.

Dadkan maxkamadu sii deysay ayaa waxaa kamid ah nin u dhashay dalka Tanzania oo lagu magacaabo Rashid Mkumba kaa oo la xiray bishii December ee sanadkii hore kaa oo la sheegay in uu si aan sharci aheyn ugu shaqeynayay xadadka Soomaaliya iyo  Kenya.

Muwaadinintan Soomaaliyeed oo ahaa 9 qofood ayeey maxkamdu  ku sheegtay in loo heystay dambi ah ku sugnaasha Kenya ogalaansho la’aan kuwaa oo afar kamid ah lasii daayay kadib markii la ogaaday in aysan horay  dambi ugalin, oona lagu soo celin doono gudaha dalka Soomaaliya. waxaana lagu kala magaacaba Cabdi Maxamed cabdulle, Xuseen Raage, cabdi axmed caddow iyo maxamed axmed cabdulle.

dhalinyarada kale ee soomaaliyeed ayaa  lagu wada xukumay min 3 bilood oo xabsi ah iyo in  ay bixiyaan lacago ganaax ah oo gaaraya 10,000 oo shilinka kenyatiga ah waxaana dusha loogu riday in si sharci daro ah ugu shaqeynayeen xuduudaha Soomaaliya iyo Mandera.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here