Wakiilka Dooni ay Gacanta Ku Dhigeen Ciidamada Galmudug oo Beeniyay Eedeen Loo Jeediyay+Dhageyso

0

Ganacsade Siciid Cali Xuseen oo  sheegtay inuu yahay Wakiilka Dooni kalluumaysi oo maalmo ka hor gacanta u gashay Ciidamada badda maamulka Galmudug ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararka sheegaya in doontaas ay kuluumaysi Sharcidaro ah ay ka  sameenaysay xeebaha deeganada Galmudug.

Siciid Cali Xuseen waxa uu tilmaamay in sharci ay ka heystaan Wasaaradda Kaluumaysiga iyo qeyraadka Badda ee Maamul Goboleedka  Puntland kaasi oo cadeenaya in ay isticmaalaan biyahada Puntland, isagoo tilmaamay in si weyn ay isku garanayaan Ganacsatada deeganada maamulka Galmudug.

“Magacaygu  Saciiid Cali Xuseen ayaa la dhahaa waxaan  ahay wakiilka doonta ay qeybteen Ciidamada Badda Galmudug, doonta la qabtay waa doon kaluumaysi, balse waa waxba kama jiraan wararka sheegaya in ay ka kuluumaysanaysay  xeebaha deeganada Puntland iyo Galmudug, waxaa la dilay dadkii saarnaa qaarna waa la dhaawacay”, ayuu yiri Ganacsade Siciid Cali Xuseen.

Ciidamada Badda  Maamulka Galmudug ayaa dhawaan gacanta ku dhigay dooni ay saarnaayeen kuulamaysato u dhalatay dalka yemen, sidoo kale Galmudug waxa ay xaqiijisay in dooni ay galbinayeen Ciidamo ka Tirsan Maamulka Puntland oo Maxkamad lagu soo taagayo magaalada cadaado ee Caasimada KMG Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here