Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle oo Ka Hadlay Arrimo Badan oo Quseeya Maamulkiisa

0

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble oo dhawaan howlo shaqo u joogay Magaalada Beledweyne oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdiho ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya Maamulkiisa.

Cali Cabdullaahi Cosoble madaxweyanaha Maamulka  Hirshabeelle ayaa ugu horeyn ka warbixiyay xaalada guud ee Gobalka gaar ahaan tan abaaraha ee ka jirta deegaanada Hirshabeelle, Isagoo sheegay u jeedada Magaalada Beledweyne ay u gaareen ay aheyd in ay u kuur galaan xaalada abaaraha ee ka jira qeybo ka mid ah Gobolka, waxaana uu sheegey Madaxweynaha in ay gaarsiyeen deeganadaasi deeq gar gaar ah oo aan ku filneyn baaxadda abaarta jirta.

Madaxweyne Cali C/laahi  Osoble ayaa ugu baaqay dhamaan dadka ka soo jeeda deegaanada maamulka Hirshabeelle, Dowladda Dhexe ee Dalka, iyo Hey’adaha gar-gaaarka in ay la soo gaaraan Gurmad dadku abaartu ku sameysay guud ahaan dalka gaar ahaan deegaanada dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here