Xisbiyada Mucaaradka ee Somali-land oo Dalbaday in Waqtiga Loo Kordhiyo Xukuumadda Siilaanyo

0

Xisbiyada mucaaradka ah ee Ucid Iyo Waddani ee Somali-land ayaa dalbaday in waqti kordhin loo sameeyo Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee ka timid  Xisbiga Kulmiye.

Mudo xileedka dhamaanaya ee Xukuumada Somaliland iyo qabsoomida doorashada madaxtooyada ayaa waxa kulamo dhawr ah kawada yeeshay guddida doorashada, madaxweynaha somaliland iyo madaxda xisbiyada qaranka, kuwaas oo si weyn  uga hadlay waxa laga yeelayo doorashada maadaama oo dalku ku jiro xaalad adag oo abaareed, kuwaas oo aan wax isgarad ah wada gaadhin.

Xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani ayaa guddida doorashada kula dooday inaanay diyaar u ahayn doorasho wakhtigaan dhacda, iyaga oo sheegay inay u naxayaan dadka faraha badan ee ay abaartu saamaysay.

Xisbiyada  mucaaradka Somali-land ee  Ucid Iyo Waddani oo ah kuwa sameynta badan  ayaa noqday  mucaaridkii ugu horeeyey ee ka jira deeganada Somaliland kuwaas oo dalbada in mudo kordhin loo sameeyo Xukuumada ay ka soo horjeedaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here