Xisbiyada mucaaradka ah ee Ucid Iyo Waddani ee Somali-land ayaa dalbaday in waqti kordhin loo sameeyo Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee ka timid Xisbiga Kulmiye.
Mudo xileedka dhamaanaya ee Xukuumada Somaliland iyo qabsoomida doorashada madaxtooyada ayaa waxa kulamo dhawr ah kawada yeeshay guddida doorashada, madaxweynaha somaliland iyo madaxda xisbiyada qaranka, kuwaas oo si weyn uga hadlay waxa laga yeelayo doorashada maadaama oo dalku ku jiro xaalad adag oo abaareed, kuwaas oo aan wax isgarad ah wada gaadhin.
Xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani ayaa guddida doorashada kula dooday inaanay diyaar u ahayn doorasho wakhtigaan dhacda, iyaga oo sheegay inay u naxayaan dadka faraha badan ee ay abaartu saamaysay.
Xisbiyada mucaaradka Somali-land ee Ucid Iyo Waddani oo ah kuwa sameynta badan ayaa noqday mucaaridkii ugu horeeyey ee ka jira deeganada Somaliland kuwaas oo dalbada in mudo kordhin loo sameeyo Xukuumada ay ka soo horjeedaan.

