Ciidamada Badda Maamulka Puntland oo Su’aalo Weydinaya Kalluumaysato ay Ku Jiraan Ajaanib

0

Laamaha amaanka Maamulka Puntland ayaa su’aalo weydiinaya 3- nin oo kalluumaysato ah oo  si sharci darro ah uga kaluumaysanayay xeebaha MaamulkaPuntland, kuwaasi oo todobaadkii aynu soo dhaafnay lagu soo qabtay Howlgal ay sameeyeen Ciidamada ilaalada Badda Maamulkaas.

Ajaanibta haatan gacanta lagu hayo ayaa gaaraya 3-ruux waxayna la socdeen afar doonyood oo dalka Yemen laga leeyahay sida ay sheegeen Saraakiil ka Tirsan Maamulka Puntland  oo warbaahinta la hadlay.

Kalluumaysatada ayaa loo gudbin doonaa magaalada Garowe ee Caasimada Maamulkaas, halkaas oo dhawaan la filayo in lagusoo bandhigo sidoo kalena maxkamad lagusoo taago dambiga loo haysto oo ku saabsan inay si sharcidarro ah uga kalluunaysanayeen xeebaha Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here