Maamulka Puntland oo Ka Hor Yimid in Ciidamo Amisom ah La Geeyo Magaalada Gaalkacyo

0

Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid qorshe la doonayo in Ciidamo ka Tirsan Kuwa Midowga Afrika AMISOM lagu geenayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka  Mudug oo wali ay ka taagan tahay Colaada u dhaxaysa maamulada Galmudug iyo Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif(Abgaalow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka hor  imaan doonaan qorshe la doonayo in Ciiidamo ka Socda AMISOM  lagu geeyo Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Maamulkaas, oo dhawaanahaan ay ku dagaalamayeen Ciidamo kala taabacsan labada maamul.

Sidoo kale  Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Mudane Xasan Maxamed Khaliif(Abgaalow) ayaa ku Hanjabay in ay ku biiri doonaan dhinacyada kasoo horjeeda Dowladda iyo AMISOM hadii la ogalaado qorshe Amisom Magaalada ee Xarunta Gobolka Mudug Gaalkacyo lagu geenayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here