Sida ay sheegeen galinkii dambe ee Jimaha Midowga Yurub ayaa lacagahaani waxa ay ku sheegeen in ay yihiin kuwo gaaraya 28.7 Milyan oo lacagta Yuuraha ah uguna deeqday wadamo dhaco qaaradaha Africa iyo Asia.
Si Gaar ay waxa ay ku sheegeen war ay soo saareen 10-Milyan oo Yuuro oo kamid ah lacagtaasi in ay ugu tala galeen wax ugu qabashada xaaladaha ka jira Soomaaliya sida ay ku sheegeen war kasoo baxay Midowga Yurub.
Midowga Yurub ayaa sheegay in lacagahaani ay ugu deeqeen Soomaaliya ay ugu soo gacan galin doonaan inta lagu guda jiro bilaha hore ee sanadkaani 2017-ka si loogu fuliyo howlaha loogu tala galay.
“Lacagahaani waxaan ugu tala galnay in wax loogu qabto dadka ay aanan heysan deegaanka oo ay ugu darsoomeen biyo la’aanta iyo cuno la’aanta mise ay dhibaatooyin ku hayaan Al-Shabaab” sidaana waxaa lagu yiri war kasoo baxay Midowga Yurub.
Lacagaha kale ayee ku sheegeen in ay ugu talagaleen dadka shacabka ah ee kunool wadanka Afgaanistaan.
Midowga Yurub ayaa taageero ciidamada dowladda waxaana gudaha Soomaaliya Ku sugan Ciidamo ka kala socda Wadamada reer yurub kuwaa oo ay kamid yihiin kuwa Talyaaniga iyagoona Midowga Yurub ay sheegaan in ee yihiin Macalimiin tababaro siiyo ciidamada Dowladda.

