Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Cusub ee Federaalka Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad kamid ah Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo doonaya in ay xirtaan Wabiga weyn ee Shabeelle ee Gobolkaas mara.
Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in ay la hadleen shaqsiyaadkaas ku howlan in ay xirtaan Wabiga weyn ee Shabeelle, balse ay ka hor yimaadeen arintaas, isagoo sheegay in hadii ay taasi dhacdo ay keeni karto cawaaqib xumo.
“Sida Dastuurka uu qabo waa xeer u yaalo in aan lakala xiranin Wabiyaasha iyo Harooyinka,waad ogtihiin waxa maanta ka taagan wadamada Uganda, Masar iyo Ethopia oo uu maro wabiga Nile,hadii saacado kooban la xiro waxaa dhacaya dagaal ay dad badan ku dhintaan, iyadoo taasi ay jirto hadii shaqsiyaad ay xirtaan Wabiga Shabeelle ee mara qeyb kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa ka dhalan doono Cawaaqib xumo, iyo dagaal dhexmara bulshooyinka wada daga Gobolka Shabeelaha Hoose”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Soomaliya.
Dhanka kale wuxuu ugu baaqay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Dowladda Dhexe ee Soomaliya in ay arintaan wax ka qabato islamarkaana ay ka hor istaagto shaqsiyaadka doonaya in ay xirtaan Wabiga Shabeelle.

