Maamulka gobolka mudug ee puntland ayaa sheegay in ay jiraan dad hortaagan sida loo dhaqan gelin lahaa Heshiiski dhawaan muqdisho ay kuwada gaareen Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif Abgaalow oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay in haatan xaalada magaalada ay degen tahay balse loo baahna in heshiiski la dhaqan geliyo.
Gudoomiyaha gobolka mudug waxa uu sheegay in jiraan dadaalo hada soconayo o ay wadayaa guddiyada amniga magaalada gaalkacyo.
Xasan Maxamed Khaliif Abgaalow ayaa sheegay in shaqsiyad dhuumaleysi ay jiraan oo doonaya in magaalada gaalkacyo markale uu dagaal ka dhaco islamarkaana la jabiyo heshiisyadi hore loo gaaray.
Halkaan Ka Dhageyso Cododka

