Wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Ciidamada Malatariga Uganda General Katumba Wamala iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa maanta gaaray Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose oo kormeero ku tagay Saldhigyada Ciidamada ay halkaas ku leeyihiin.
General Katumba Wamala Taliyaha Ciidamada Malatariga Uganda waxaa safarkiisa Gobolka Shabeelaha Hoose ku wehlinayay Taliyaha Howlgalka AMISOM Gen Osman Nur Soubagle,Saraakiil Soomaliyeed iyo kuwa Uganda halkaasi oo uu u kuurgalay xaaladda Ciidamadda Soomaliyeed iyo kuwa Uganda ee ka howlgala aagas, isagoo ku dhiirigeliyay kuna amaanay sida ay nabadda iyo xasiloonida ugu soo celiyeen, kadib markii laga xoreeyay Al Shabaab.
Masuuliyiintu waxay ka dhageystay warbixin Saraakisha Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo ka warbixiyay wada shaqeynta Ciidamadda huwanta ah iyo howgaladooda ee ku aadan sifeynta cadowga laga xoreynaayo shacabka soomaliyeed ee ku nool Gobolka shabellaha hoose.
General Katumba Wamala ayaa Ciidamadda Soomaliyeed ku amaanay sida ay dalkooda u difaacan isagoo ku bogaadiyay inay mar walba xasuustaan inuu dalka Soomaliyeed amnigiisa ay si buuxda Soomalidda kaliya ku hanan karto. wuxuuna sheegay in Dowladda Uganda ay mar waliba taageereyso sidii Ciidanka Soomaliyeed ay u gaari lahaayeen isku filnaasho loogana maarmo joogitaanka Ciidanka AMISOM.

