Madaxweynaha Soomaliya iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo dalka Dib ugu Soo Laabtay + Sawiro

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Galinkii dambe ee Maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib Markii ay dhawaan ka qeyb  Galeen shirkii loogu Hadlaayay ganacsiga oo ka dhacay Magaalada Dubia ee dalka Isu-taga imaaraadka Carabta.

Wafdiga Madaxweynaha soomaliya waxaa Garoonka diyaarahada Magaalada Muqdisho ee aadan cadde kusoo dhaweeyay xubno dowlada soomaliya Tirsan sida Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Mudane Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Maxamed sheikh xasan Xaamud, iyo Mas’uuuliyiin kale oo dowlada soomaliya ka Tirsan.

Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa dalka Isu-taga imaaraadka Carabta Gaar ahaan Magaalada Dubia kaga qeyb Galay shirkii ganacsiga loogu Hadlaayay isagoona Halkaas kulamo kula soo qaatay Madax Africa ka socotay iyo Madaxda dowlada Isu-taga imaaraadka Carabta ka socotay.

IB0A9823 IB0A9824 IB0A9825 IB0A9826 IB0A9827 IB0A9828 IB0A9829 IB0A9831 IB0A9832 IB0A9836 IB0A9846

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here