Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfurgalbeed ayaa maanta weerar Deegaanka Saydheelow oo qiyaastii 30-KM waxa uu u jira Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta in ragaan ay ka howlgalayeen Deegaanka Saydheelow islamarkaana xogtooda ay soo gudbiyeen dadka deegaanka sidaana deeganki ay joogeen loo weeraray.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay dileen 5 nin oo ka tirsan dagaalyahanada al shabaab.
Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu sidoo kale tilmaamay in raga la dilay labo kamid ah meydadkooda ay hayaan islamarkaana qorihi ay wateen gacanta lagu hayo
Ma jiro war ka madaxbanaan hadalka ka soo yeeray maamulka koonfirgalbeed oo dilka ragaan xaqiijinaya.
Dhinaca kale al Shabaab ayaan weli ka hadlin weerarki manata ka dhacay duleedka magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka bay.

