Camey:-“Shaqsiyaadka Puntland Dilalka Ka Geysta Qofkii $20 Dollar Ayey Ku Dilaan”+ Dhageyso

0

Xili  Mudooyinki la sood haafay deeganada puntladn ay ka dhacayeen falal amaan daro islamarkaana mas’uuliyiin ka tirsan puntland dhawaan lagu dilay magaalada boosaaso waxaa falalka la xariira beegsigaasi ka hadlay Maamulka puntland.

Madaxweyne ku xigeenka  Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta sheegay in shaqsiyaadka puntladn dilalka ka geysta ay lacago yar dadka ku dilaan, waxa uuna xusay in qofki lagu dilo lacag dhan $ 20 dooller (Labaatan Doollar) taasiw axa uu ku macneeyay mid nasiib daro ah.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntladn ayaa yiri “Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’addaha caalamiga ah waxay balanqaadaysaa inay dhalinyaradaas Shaydaanku duufsaday u sameynayso xirfado shaqo oo kaga wanaagsan mida haatan ay gacmaha kula jiraan oo ah inay qof muslim ah u dilaan wax ka yar 50 dollar,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Hadalkaan ayuu madaxweyne ku xigeenka Puntland ka sheegay furitaanka dugsiga farsamada gacanta Mudan, kaasoo uu Garowe ka hirgaliyay taliska ciidanka asluubta Puntland, islamarkaana ay xirfado shaqo abuur ka helayaan ciidamada asluubta Puntland iyo maxaabiista xabsiyada ku jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here