Dhageyso:-Isbaarooyinki Ugu Badnaa Oo Maanta Laga Qaaday Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Waxaa Maanta deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose laga qaaday isbaarooyin badan oo yaalay inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn.

Gudoomiyaha Maamulka  Degmada  Afgooye  C/naasir Caalin Macalin ayaa  u sheegay idaacadda simba in Mas’uuliyiin uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax uu kulamo la qaatay Sarakiil ka tirsan ciidamada Xoogga soomaaliya kuwaa oo amray ciidamada ay hogaaminayeen in ay qaadaan jidgooyooy u yaalay.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay Taliyaal ka tirsan ciidamada dowlada ay u yaaleen isbaarooyinka balse gudoomiyaha gobolka uu ku war geliyay sida ay u qaadi lahaayeen isbaarooyinka ay dhigteen.

Isbaarooyinka waxa ay si gaar ah ugu yaaleen deeganada maanta laga qaaday Taliyayaasha Guutooyinka 6-aad iyo Ururadiisa 1-aad iyo weliba 3-aad.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Degmada Afgooye ayaa sheegay in ciidamo loogu talaalay la socodka wadooyinka maanta ay roondooyin ka bilaabeen inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn.

Mudooyinki la soo dhaafay waxaa jiray cabashooyin ay muujinayeen wadayaasha gadiidleyda gobolka shabeellaha hoose waxana ugu danbeynti Dawalada gadiidleyda ay sameeyen maalmo ka hor shaqo joojin sababtay in hakad uu galo isa socodka gadiidka iyp Ganacsiga Gobolka Shabeeallaha Hoose.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here