Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay codka mid kamid ahaa ragii fuliyay weerar ismiidaaminta ahaa ee gaariga loo adeegsaday ee lagu weeraray Hoteeelka Peace ee ku yaala meel ku dhow Garoonka Magaalada muqdisho.
Idaacadda Andulus oo ka hadashay afka Xarakada Al-shabaab ayaa baahiyay maqal yar oo laga duubay mid kamid ahaa ragii weerarka ismiidaaminta fuliyay waxaa magaciisa lagau sheegay Maxamed Abuukar Calasow, u dhashay Abgaal, Daauud oo kamid ah beelaha Soomaliyeed.
Maxamed Abuukar Calasow oo kamid ahaa ragiii isqarxiyay ayaa Wareysiga laga qaaday waxa uu ku dar daarmayay, ragga kale ee Xarakada Shabaab ka tirsan ee ka dambeeya inay naftooda u huraan sida uu isaga u huray.
Ma kala cadda ninkaan inuu yahay midkii kaxeynaayay gaariga yar ee Koontaroolka ciidanka ku qarxay iyo inuu yahay midka weyn ee ku qarxay agagaarka Hotel Peace, gaar ahaan xarunta Madiina Gate oo ku dhow xarunta Xalane.

