Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa saakay Hoygiisa ka waday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya C/fitaax xasan afrax si ay wax kaga weydiiyaan Ragii ka dambeeyay dilkii dhawaan Gudaha Magaalada Beledweyne loogu geystay Sarkaalkii Hay’ada Main action ee Magaalada Beledweyne.
Xaalada Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa wali kacsan waxaa laga dareemayaa xiisada ku aadan dilkii Magaalada Beledweyne loogu geystay Mudane Mahadi xuseen oo ahaa Madaxii Hay’ada Main action ee Magaalada Beledweyne,
Xiriiro aynu la sameeyay ciidamada Jabuuti ee sugan Magaalada Beledweyne ayay kaga gaabsadeen In ay ka Hadlaan su’aalaha wali la weydiinaayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya C/fitaax xasan afrax.
Dhawaan waxaa Magaalada Beledweyne Gaaray Gudi ay wasaarada amniga Gudaha u xilsaartay wax ka ogaashaha dilkii Magaalada Beledweyne loogu geystay Madaxii Hay’ada Main action ee Magaalada beledweyne.

