Maamulka Xarakada Al-shabaab Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa shalay galinkii dambe dil toogasho ahaa ku fuliyay nin Nabadoon ahaa oo lagu magacaabi Saalax Bashiir Cumar, balse ay sheegeen In uu kamid ahaa la taliyayaasha Madaxweynaha maamulka Jubba-land Axmed Madoobe.
Dad aad u fara badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha Degmada Jilib ee Gobolada Dhexe sida ay u daawadaan qaabkuu u dhacayay dilka xukunka dilka ahaa ee lagu fulinayay Nabadoon Saalax Bashiir Cumar.
Qaadiga Maxkamadda Al-shaabab ee Gobolada Jubbooyinka oo goob fagaare ah ka akhriyay xukunka lagu fuliyay Saalax Bashiir Cumar ayaa sheegay in Saalax gacanta ay kusoo dhigeen ciidamada Al-shabaab xilli uu ku sugnaa Degmada Afmadoow islamarkaana faraha kula jiray dambiyeed ka dhanka ah dadka muslimiinta, waa siduu hadalka u dhigee.
Maamulka Jubba-land wali kama uusan hadlin arintaas.

