Al-shabaab oo Xukun Dil ah Ku Fuliyay Nin Nabadoon ahaa Gobolka Jubada Dhexe

0

Maamulka Xarakada Al-shabaab  Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa shalay galinkii dambe dil toogasho ahaa ku fuliyay nin Nabadoon ahaa oo lagu magacaabi Saalax Bashiir Cumar, balse ay sheegeen In uu kamid ahaa la taliyayaasha Madaxweynaha maamulka Jubba-land Axmed Madoobe.

Dad aad u fara badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha  Degmada Jilib ee Gobolada Dhexe sida ay u daawadaan qaabkuu u dhacayay dilka xukunka dilka ahaa ee lagu fulinayay Nabadoon Saalax Bashiir Cumar.

Qaadiga Maxkamadda Al-shaabab ee Gobolada Jubbooyinka oo goob fagaare ah ka akhriyay xukunka lagu fuliyay  Saalax Bashiir Cumar  ayaa sheegay in Saalax gacanta ay kusoo dhigeen ciidamada Al-shabaab  xilli uu ku sugnaa Degmada Afmadoow islamarkaana faraha kula jiray dambiyeed ka dhanka ah dadka muslimiinta, waa siduu hadalka u dhigee.

Maamulka Jubba-land wali kama uusan hadlin arintaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here