Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha ay u diideen in ay ansixiyaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2017-ka.
Maxamed Cumar dalxa ayaa sheegay in dib ucelinta miisaaniyadda 2017-ka ee Wasaaradda Maaliyadda ay sabab u tahay Xildhibaanadii hore, Ciidamada Dowladda Soomaliya, iyo shaqaalaha Dowladda oo aanan helin Mushaaraadkoodii, islamarkaana wasiirka Maaliyadda Soomaliya ay ka doonayaan in qodobo faah-faah-faahsan oo ku aadan halka ay ku baxday misaaniyadii hore sanadka 2016-ka.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar in bilooyin badan aysan shaqaalaha dowladda qaadanin wax mushaaraad ah islamarkaana wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay ku doodayso in la bixiyay dhamaan musharaadkii.
Kalfadhiga kowaad Kulankii Labaad oo shalay ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa xildhibaanada waxa ay ku kala qeybsameen ansixinta miisaaniyadda 2017-ka.

