20-sano jir Soomaaliyeed ayaa lagu xukumay Sagaal Bilood oo xabsi ah iyo in uu bixiyo lacag dhan €950 kadib markii lagu ogaaday in uu ka Ganacsado iibinta Mukhaadaraadka.
Maxkamada ayaa waxa ay maqashay in Abdikarim Isman Omar oo ah muwaadin Soomaalieed in uu dalka soo geliyo daroogooyinka oo dalkasi horay looga mamnuucay waxaana ay sheegtay maxkamadu in booliisku ay ku soo qabteen isaga oo tuuraya lix kortoon oo yar kuwaa oo ku keedsanaa daroogda.
Waxaa saraakiisha boliisku sheegeen in dabo gal xoogan ay ku hayeen tirada dadka uu xiriirka la lahaa laguna qabtay hotel kuyaal magaalada pacevilla ee jaziirada malta.
Xeerbeegtada maxkamada ayaa sheegtay in uu soo qaaday xashiishka isaga oo doonayay in uu u qeybiyo qaar kamid ah macaamiishiisa iyada oo saraakiisha booliiskana ay tilmaameen soo qabashada muwaadin-kaan Soomaaliyeed in ay la’ aashadeen mid kamid ah eeyaha kaa oo u tababarnaa arinta mukhaadaraadka.
Godwin sammut oo ah qabiir cilmi u leh daroogooyinka ayaa sheegay in walxaha lagu helay wiilkan soomaaliyeed cabirkoodu ay yihiin 7.13 oo gram taa oo ah daroogada loo yaqaanoTetrahydrocannabinol oo lagu qariyay shan kartoon.
Maxkamada oo tixgelineysa baaritaanada booliisku ay sameeyeen ayaa ku xukuntay wiilkan Soomaaliyeed 9 bilood oo xabsi ah iyo in uu bixiyo €950 oo lacag ah.

