Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaliya oo Kuweyt Kaga Qeyb Galaya Shir Loogu Hadlaayo Garsoorka+Sawirro

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kuweyt ee Caasimada dalka  Kuweyt.

Wafdiga oo ay Magaalada Kuwait ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Dalkaasi ahna Hormuudka, danjireyaasha Carbeed Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheikh iyo qaar kamid ah diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait, waxaana lagu wadaa in uu kaqeybgalo munaasabad lagu soo gunaanadayo tababar koox Xeer Ilaaliyeyaal Soomaaliyeed ah loogu soo xirayo Machadka Tababbarada Adeega Garsoorka ee Dalka Kuwait.

Ujeedka wafdiga Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir ee dalka Kuweyt ayaa lagu sheegay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa dhigiisa dalkaas iyo Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarada Adeega Garsoorka ee Kuwait.

Dhanka kale danjiraha Soomaaliya ee Dalkaasi ahna Hormuudka, danjireyaasha Carbeed Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheikh ayaa sheegay in kaalin weyn uu ka qaatay sidii ay uwada kulami lahaayeen Xeer-ilaaliyaha qaranka Soomaliya iyo dhigiisa dalka Kuweyt.

gar gar1 gar2 gar3

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here