Olivier Giroud oo Shaaciyay War ay Ku Farxaan Taageerayaasha Arsenal iyo Maamulkaba

0

Weeraryahanka kooxda Arsenal Olivier Giroud ayaa daaha ka rogay in todobaadyada soo socda uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxdiisa ka dhisan Magaalada London.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka France ayaa heshiiska uu kula jiro naadigiisa waxa uu dhacayaa June 2018-ka, waxay calaamad su’aal ay saaran tahay in heshiis cusub saxiixi doono, waxaa sidoo kale muran ka taagan cida ciyaaraysa weerarka hore ee kooxda arsenal, madaama arsenl kulamadii ugu dambeeyay u matalayay xidiga Alexis Sanchez.

“Dadka qaar waxa ay dhahayeeen waxa uu saxiixay heshiis cusub, laakin waa been, balse deg deg ayaan heshiis  u saxiixi doonaa”, ayuu  wariyayaasha u sheegay Olivier Giroud kadib guushii todobaadkaan ay gaareen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here