Qaramada midoobay ayaa bilowday olale ay kaga qeyb qaadaneyso taakuleynta qoysaska qaxootiga iskooda ugu soo laabanaya dalka Soomaaliya oo lagu sheegay in ay gaarayaan 1,743 qof waxaana ay sheegtay in ay gaarsiin doonto qoysaskii soo laabtay horaantii bishan December ee 2016 gargaar lacageed.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in taageero kala duwan ay siin doonto qoysaska soo laabtay kuwaa oo kusugan magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo kismaayo iyo deegaano kale oo ka Tirsan xarumaha Maamul Goboleedyada.
Mashruucan cusub ee Qaramada midoobay ayaa la sheegay in ay kordhi doonaan caawinaada dheeraadka ah ee la siinayo qaxootiga kusoo laabananaya gurigooda hooyo,sida ay ku warameen qaar kamid ah Saraakiisha Qaramada midoobay.
Taageerada ay helayaan qaxootiga iskooda ugu soo laabanaya dalka soomaaliya ayaa la sheegay in ay kamid yihiin duulimaadyo dhanka hawada ah iyada oo la filayo in bisha soo socota dib loo bilaabo safarka dhulka oo sababo roob dartood hakad loo galiyay.

