Labo Ruux oo Ganacsato ahaa oo Lagu Dilay Suuqa Degmada Wadajir +Dhageyso

0

Inta la xaqiijiyay 2-qof oo kamid aheyd Ganacsatada Suuqa Degmada Wadajir  ayaa dhimatay, qof kalana wuu dhaawacmay  markii askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya uu rasaas ku furey Suuqa weyn ee degmadaa gaar ahaan qeybta Bacadlaha.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askariga rasaasta furey iyo Ganacsatada dhimatay  uu soo kala dhexgalay  muran ku aadan  bixinta lacagta Cashuurta ee laga qaado  dadka ku ganacsada Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Muranka kadib waxaa gudaha  Suuqa laga maqlay rasaas uu furey askariga waxaa ku dhintay  labo qof  oo kamid ahaa Ganacsatada sida idaacadda Simba u xaqiijiyay qof kamid ah dadka deegaanka Degmada Wadajir.

Warar kale oo ay halayso idaacadda Simba ayaa ku waramaya in askariga dilka geystay oo goobta isaga baxsaday iyadoo aysan jirin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo goobta gaaray sida horey loogu bartay.

Maamulka Degmada Wadajir aynu la xiriirnay waxa ay ka jawaabi waayeen wicitaan ay idaacadda Simba la sameysay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here