Faah-faahin:- Qarax Miino oo Ka Dhacay isgoyska Degmada Howlwadaag

0

Qarax miino oo la galiyay maqaayad ay fariistaan Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya ayaa barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugida Soomaliya ayaa saakay gaaray goobta la sheegay in la galiyay miinada waxa ayna ku mashquulsanaayeen sidii miinada goobta loogu saari lahaa, balse intii lagu mashquulsanaa ayay miinada qaraxday.

Qof kamid ah dadka deegaanka Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir oo la hadlay idaacadda Simba ayaa xaqiijiyay in qaraxa uusan geysan wax qasaaro ah oo soo gaaray Ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ahaa.

Dagaalyhanada Xarakada Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada qaraxyada u badan oo ay ka geysanayaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here