Dhageyso:-Caruur Wada dhaltay oo ku geeriyooday Yaaqshiid.

0

Degmada Yaaqshiid Gaar ahaan Xaafadda Carafaad waxaa Maanta ku geeriyooday Afar Caruur ah oo wada dhalatay kadib Markii ay ku sumoobeen daawo la mariyey korkooda.

Caruurtaan oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal ayaa waxaa sababta keentay in daawada la mariyo lagu sheegay nabarro korka ugasoo baxay markii daawada la mariyey xalay ayeyna u geeriyoodeen Sida Idaacadda Simba ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada Caruurta geeriyooday.

Isbitaalka carafaad ee ku yaalla degmada Yaaqshiid ayaa la geeyey caruurta oo garaab ah halkaasi oo ugu dambeyn ay ku geeriyoodeen 4 kamida Caruurta iyadoona hadda isbitaalka lagu hayo cunug kale oo isna la ildaran Sunta la mariyey.

Abtiga Caruurta Geeriyootay oo la hadlay radio Simba Muqdisho ayaa ka waramay qaabka ay wax u dhaceen.

Halkaan ka dhageyso Wareysi Radio Simba uu Siiyey Abtiga Caruurta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here