Deg:Deg:- Dilal Maanta ka dhacay Degmada Howlwadaag.

0

Waxaa barqadii Saaka Kooxo ku hubeysan Bastoolado ay ku toogteen Gudaha Degmada Howlwadaag gaar ahaan agagaarka Masjidka biyamaaloow Haweeneey la sheegay in ay ahayd Ganacsato.

Kooxaha dilka geystay oo kakoobnaa laba ruux ayaa rasaas Madaxa kala dhacay haweeneyda la dilay rasaas intaa kadib Ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan oo ku sugnaa Goobta uu Falku ka dhacay ayaa iyana lagu Waramaya in ay toogasho ku dileen Mid kamid ah raggii haweeneyda Ku dilay Gudaha Degmada Howlwadaagiyadoona ciidanka uu ka baxsaday mid ka mid raggii falka geystay.

Ciidamada ayaana horay u qaaday Maydadka labada ruux, goobta falka uu ka dhacay ayaa waxaa gabi ahaanba xiray Ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan oo sameeyey baaritaanno kooban oo ay ku baadigoobayaan mid ka mid ah raggii falka dilka ah geystay oo goobta ka baxsaday.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Howlwadaag oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday ka hadalka arinkaan Waxaana Markii dambe oo ay ciidanku ka tageen goobta dib ugusoo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here