Diyaarado Dagaal oo Xalay Duqeeyay Saldhig  Shabaab ay Ku Leeyihiin Deegaanka Janaale

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Waaya-arag  oo 7-KM u jira degaanka Janaale ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeeyeen Saldhig ay shabaab halkaas ku lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibraahin Aadan Najax, ayaa xaqiijiyay diyaarado dagaal inay duqeeyeen deegaankaasi, waxaana uu sheegay in la beegsaday Saldhig Al Shabaab halkaasi ay ku lahaayen.

Ibraahin Aadan Najax, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose  waxa uu ka gaabsaday In uu faah-faahin ka bixiyo qasaaraha soo gaaray Ciidamada Xarakada Al-shabaab ee Saldhig ku lahaa deegaanka lagu magacaabo Waaya-arag ee ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga diyaaradaha deegaankaas duqeeyay halka laga leeyahay, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Al-shabaab ee deegaanka  Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here