Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu la’ Yahay Dalka Mareykanka+Magaciisa

0

Ciidamada police-ka  magaalada Cleveland ee dalka mareykanka oo ka Tirsan Gobalka Ohio iyo qoyska ali Hussein ahmed ayaa raadinaya jaan iyo cirib halka uu ku sugan-yahay kaa oo la waayay 18 December.

Ali Hussein ayaa  kamid ah qaxootiga soomaaliyeed oo goordhaw  gaaray dalka Mareykanka waxaana da’diisu lagu sheegay 39 jir.

Qoyska reerkiisa ayaa waxa ay sheegeen markii ugu dambeesay ay arkaan in uu taagnaa banaanka guriga ay ku nool-yihiin  waxaana la sheegay in uu qabay xanuunka dhimirka, mana oga cida waqtigii ugu dambeesay ee uu daawo qaato sida waalidiintiisa ay sheegeen.

Ninkan la’ la’sanyahay walaalkiis ayaa sheegay bilo yar ka hor in mereykanka qaxooti ahaan ay u soo galeen islamarkaasna aqoon uusan u laheyn ku hadalka luuqada English-ka oo dalkaasi loogu hadlo.

Qoyskan ayaa la  sheegay in ay caawinaad ka heleen jaaliyada soomaalida ee ku nool  Cleveland waxaana jaaliyadu ay ku howlan-tahay qaabkii loo heli lahaa muwaadin-ka xanuunsan ee lumay iyadoo  sawiradiisa la qeybiyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here